Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Image

TEL AVIV - Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dilka hogaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, uu "dhamayn karo colaadda" u dhaxaysa labada dal ee cadawga ah.

Netanyahu oo la hadlayey warbaahinta Mareykanka ee ABC News, ayaa yiri: “Tani ma sii hurinayso colaadda, waa ay dhamaynaysaa.” Wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu ka jawaabayey warar sheegaya in madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu hor istaagay qorshe Israel damacsanayd oo lagu dili lahaa Khamenei, isagoo ka cabsi qabay in xaaladda Iran iyo Israel ay faraha ka baxdo.

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

“Waa Iran oo rabta dagaal weligeed soconaya. Wax kasta oo Israel sameyso maanta, waa inay ka hortagto halistaas, iyadoo ujeedadu tahay in la soo afjaro gardarada. Taasina waxay ku imaan kartaa oo kaliya marka la wajahayo awoodaha sharka,” ayuu yiri Netanyahu.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Israel ay cirka isku shareertay, gaar ahaan ka dib dagaalka Gaza iyo weerarro is-daba-joog ah oo la isku qaaday gudaha gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM