Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Image

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dalkiisu qorsheynayo inuu dhiso shabakad dalal xulafo ah oo ku yaalla ama ku hareeraysan Bariga Dhexe, si ay si wadajir ah uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay “xulafada Suniga iyo Shiicada”.

Netanyahu ayaa hadalkan jeediyay Axaddii, isagoo shaaciyay booqasho la filayo inuu dalka Israa’iil ku tago Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi, kaas oo uu sheegay in dalkiisu ka mid noqon doono “xulafada isku aragti ka ah” Israa’iil.

Hoggaamiyaha Israa’iil, oo ay raadineyso International Criminal Court isagoo wajahaya eedeymo la xiriira dambiyo dagaal, ayaa sidoo kale xusay dalal ay ka mid yihiin Greece iyo Cyprus, iyo sidoo kale dalal kale oo Carbeed, Afrikaan iyo Aasiya ah.

“Aragtida aan qabo waxay tahay inaan dhisno nidaam dhan oo isbahaysi ah, sida qaab lix geesood (hexagon), oo ku wareegsan ama gudaha Bariga Dhexe,” ayuu yiri Netanyahu, sida ay qortay warbaahinta The Times of Israel.

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, hal-abuurka iyo horumarka.

Hadalladan ayaa imaanaya xilli uu sii socdo dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza, kaas oo saameyn ku yeeshay isbahaysiga uu hoggaamiyo Iran, oo ay ku jiraan ururka Hezbollah ee Lebanon.

Sidoo kale, xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta Sunni-ga ah ayaa sii xumaanaya, gaar ahaan Turkiye iyo Saudi Arabia, kuwaas oo si adag u dhaliilay tallaabooyinka Israa’iil ee Gaza.

Tan iyo 2020, Israa’iil waxay dadaal ku bixineysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta iyo Muslimiinta iyada oo loo marayo heshiisyada loo yaqaan Abraham Accords, kuwaas oo horseeday xiriir dhow oo ay la yeelato United Arab Emirates, Bahrain iyo Morocco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM