NEW YORK: Cabdulqawi Axmad Yusuf oo dib loogu doortey Maxkamada Caalamiga

Image

NEW YORK - Golaha guud ee QM iyo amaanka ayaa u doortey afar Xaakim Maxkamada Cadaalada ee Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague dalka Netherlands tasoo ah qayb kamid ah Qaramada Midoobey.  Golahaan ayaa Xaakimada ay doorteen ka xushey 6 muharax

Kadib markii Golyaasha QM [ Guud iyo Amniga] ayaa doorashadaan ku qaadatey Lix wareeg iyagoo kala dooranayey 6 Xaakim iyagoo dib u doorey labo xubnood, Ronny Abraham ( Farance) iyo Cabdulqawi Axmad Yusuf ( Somalia) halka xubnaha cusub oo kala yihiin; Antonio Augusto Cancado Trindade ( Brazil) iyo Nawaf Salam ( Lebanon).

Afarta Xaakim ayaa la doortey wareegii 5 aad. Iyagoo xilkaan hayn doona 9 sano, oo bilaameysaa 6 February sanadka soo socda.

Golaha guud ee QM iyo Amaanka ayaa si madax banaan maalinta Isniinta, 13 Nov, dooran doona xaakimka Shanaad ee Maxkamadaan ( ICJ). 

Maxkamada ayaa ka kooban 15 Xaakim, kuwasoo si buuxda u doortaan labada Gole ee QM ( 97 Cod) halka Golaha Amaanka ( 8 Cod). 5 kursi Xaakimada Maxkamada ayaa la doortaa 3dii sano mar.

Xaakimada ayaa lagu xushaa heerka aqoontooda, ma aha dhalsahadooda halka labo xaakim aysan ka tirsnaan karin labo wadan oo isku mid ah. 

Maxkamadaan ayaa dhidibada loo taagey 1945, waxayna saldhigeedu yahay wadanka Natherlands, ICJ- waxaana si aan toos ah loogu yaqaan Maxkamada aduunka- waxayna xalisaa khilaafyada sharci ee u dhexeeya wadamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM