Nigeria: Boko Haram oo la wareegtey magaalada Chibok

Image

November 15, 2014 (GO)- Kooxda Boko Haram ayaa la wareegtey magaalada Chibok ee ku taalla gobolka Borno ee dalka Nigeria. Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Nigeria ayaa xaqiijiyey in magaaladaasi gashay gacanta Boko Haram.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo xaaladda magaalada Chibok maadaama la burburiyey inta badan taawaradii isgaarsiinta.

Bishii April ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa dugsi ku yaalla magaalada Chibok  ka afduubtay 219 gabdhood oo ciyaal iskuul ahaa.

Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan". 

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarada kooxda oo isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Diyaarad ku dhacday Badda kadib markii ay ka baxday Garoonka Hong Kong

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab-damiska ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen darawalkii gaariga ilaalinta amniga.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 11:44AM

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM