Nigeria: weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay suuq mashquul badan

Image

January 11, 2015 (GO)- Weerar is miidaamin ah oo ka dhacay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria ayaa waxaa ku geeriyoodey 19 qof. Weerarka waxaa fulisey gabar yar oo 10 sano jir ahayd taasoo jirkeeda walxaha qarxa lagu soo xiray.

Mas'uuliyadda weerarkaas weli cidi ma sheegan, haseyeeshee kooxda xagjirka ah ee Boko Haram ayaa horay dalka Nigeria uga geysatey weerarro caynkan oo kale ahaa oo boqollaal qof oo rayid u badni ku dhinteen.

Boko Haram waxay todobaadkii hore la wareegtey xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Baga ee dhacda waqooyiga Nigeria.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun oo qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarrada kooxda oo qaraxyo u badan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM