​Nin Dil ku mutaystay Qoraal uu ku baahiyay Facebook

Image

Maxkamad ku taala dalka Pakistan ayaa dil ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo lagu eedeyay in bartiisa Facebook-ga uu ku qoray waxyaabo ka dhan ah diinta Islaamka.

Ninkan oo lagu magacaabo Taimoor Raza ayaa aflagaadeeyay xaasaskii Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaate iyo saxaabadiisa. Dacwad soo oogaha dalka Pakistan ayaa sheegay in uu rumesanyahay in tani ay tahay markii ugu horeysay xukun dil ah lagu rido kiis ka dhaca baraha bulshada.

Ra'iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa isna ku tilmaamay waxyaaba ka dhanka ah diinta in ay yihiin dembi aan la isugu cudur daareyn.

Hase ahaate, kooxhaa u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay xukunkaan dilka ah, waxaana arrintani ilaa iyo hadda aanan ka hadlin Shirkada Facebook-ga.

Shirakda Facebook-ga ayaa bishii Maarso ee sannadkan sheegtay in dalka Pakistan ay u direyso khubaro, si loo wajaho walaaca dowladda Pakistan ee la xiriira waxyaabaha ka dhanka ah diinta Islaamka ee lagu daabaco baraha bulshada.

Balse shirakdu waxay intaasi ku dartay in ay ilaalineyso xuquuqda iyo waxyaabaha u gaarka ah macaamiisheeda.

BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM