​Nin halis galiyay cunugiisa si uu u helo “Like”

Image

Maxkamad fadhigeedu yahay magaalada Algeirs ee caasumadda dalka Algeria ayaa xabsiga dhigtay nin halis galiyay cunigiisa si uu helo “Like” isagoo kasoo laad-laadiyay dabaq dheer.

Aabaha ayaa dadka la wadaagay sawir uu ka muuqado isaga oo canuggiisa isaga oo ku soo qoray "1,000" likes saara ama waan sii dayn.

Booliiska ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen Sabtidii ninkan oo aan magaciisa la shaacin.

Maxkamadda ayaa ku riday Labo sano oo xabsi ah isagoo lagu helay dabi ah inuu ku khamaaray nolosha ilmo yar oo aan waxba galabsan.

Ninkan ayaa kasoo muuqday baraha bulshada isagoo lagu dhaleecaynayo inuu halis galiyay cunug yar oo aan waxba galabsan iyadoo ay ka tahay ciyaar iyo helo taageero badan.

Barta internetka ee warbaahinta Al Arabiya ayaa sheegtay in ninkaas oo aysan magacaabin uu cannuga ka soo laadlaadiyay dabaqa 15 ee dhismo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Algiers

Dadka qaybtood ayaa baraha bulshada u isticmaalay waxyaabo aan haboonayn iyagoo raadinay inay helaan taageero ama shacbiyad, balse dhacdadan ayaa imaanaysa xilli kiisan badan ay ka dhacaan dadka isticmaala aaladda Facebook.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM