ONLF oo shaki gelisey Siideynta Qalbi-Dhagax [Dhageyso]

Image

NAIROBI, Kenya - Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay siideynta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo shalay la sheegay in laga soo daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa oo ku dhawaad hal sano uu ku xirnaa.

Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Hirmooge (Cadaani), ayaa shaki geliyay siideynta Qalbi-Dhagax, oo uu ku tilmaamay mid aan caddeyn, oo ku kooban sawirro laga soo qaadey, balse aan loo fasaxin inuu carrurtiisa iyo ehelkiisa u tago, oo ka baxo Ethiopia.

"Warar aan wali dhameystirnayn baa nasoo gaarey oo arrimahaa u eg, waxay ahayd Cabdikariim Sheekh Muuse, hogaamiye, halgame oo siyaasi ah oo dowladda Ethiopia u xiran, in luuq-luuqyo iyo odayaal uu magan u ahaado, oo kolba meel lagu qariyo," ayuu yiri Afhayeenka ONLF.

Wuxuu xusay in lagu xad-gudbay xeerarka maxaabiista Siyaasadeed, islamarkaana Qalbi-Dhagax laga dhigay qof aan xabsina ku jirin, xorriyadna helin, oo marba qof isku soo sawiro, lana sheego wararka been ah oo ku saabsan in lasoo daayay.

Hirmooge ayaa ka digay in Qalbi-Dhagax lagu celiyo Muqdisho, oo ah halka markii hore lagu shirqooley, oo dowladda Federaalka ugu gacan-gelisay Ethiopia September 2017.

Hirmooge ayaa sheegay inay muhiim tahay in Qalbi-Dhagax si dhameystiran loo siiyo xorriyadiisa, islamarkaana la geeyo Goob ay ku sugan yihiin Caruurtiisa iyo qaraabadiisa taas oo ah meel ammaan ah, oo ka baxan Addis Ababa iyo Muqdisho.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa daboolka ka qaadey in Jabhadda ONLF ay si weyn uga soo horjeedo Shidaalka dowladda Ethiopia kasoo saarayso Dhulka is-maamulka Soomaalida dalkaasi.

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa sheegay in sanadkan 2019 laga soo saari doono deegaanada Is-maamulka Soomaalida 450 footo oo shidaal cayriin ah maalintii, taasi oo dowladda ka heli doonto dhaqaale badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM