Oramada iyo Soomaalida oo ku dagaalamay dalka Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowlada Ethiopia ayaa sheegtey in dad gaaryaa 20 qof ku dhinteem dagaalo dhexmarey qowmiyadaha Soomalida iyo Ethiopia asbuucii lasoo dhaafey.

Afhayeen u hadlay Dowlada Ethiopia Negeri Lenco ayaa sheegey in 98 qof laga soo xirey gobolka Oramada halka 5 laga qabtey degaanka Soomaalida kuwasoo la rumeysan yahay iney hurinayeen colaadahaan.

Dagaaladaan ayaa waxaa sababey khilaafka dhuleed u dhexeeya labadaan qowmiyadood oo wada daga dalka Ethiopia kasoo ka jira xuduudka u dhexeeya labada degaan.

Saraakiisha dowlada dhexe ee Ethiopia ayaa horey u dalbatey in labada dhinac ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya wadahadal  iyadoo ciidamo soo dhoobtey degaanada dariska ka yihiin labadaan qowmiyadood balse rabshadahaan ma joogsan.

Bishii September ee lasoo dhaafey ayaa dagaalo dhexmarey labada dhinac waxaa isaga dhintey dad gaaraya 10 ruux kor u dhaafaya halka rabshadahaan ka barakaceen Kumanaan dad ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM