Pakistan: 57 qof oo ku geeriyoodey shil gaari oo ka dhacay Karachi

Image

January 11, 2015 (GO)- Ugu yaraan 57 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Shilku wuxuu dhacay kadib markii gaari booyad ah oo shidaal wadey kuna socdey xawaare aad u sarreeya islamarkaana marayey seed khaldan  ku dhacay gaari bas ah oo rikaab 80 qof ka badani la socdeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah oo u badan dumar iyo carruur, waxay badi ku waxyeeloobeen dab kacay kadib markii labada gaari isku dhaceen.

"meydadka 57 qof ayaa naloo keenay balse tirada dhimashada waxaa laga yaabaa inay kororto, maadaama badi dadka dhaawacyada qaba xaaladoodu halis tahay" Semi Jamali oo ah dhaqtar ka tirsan isbitaalka Jinnah ee magaalada Karachi ayaa sidaas yiri.

Bishii November ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii shil caynkan oo kale ahaa oo ka dhacay magaalada Khairpur ee isla dalka Pakistan ku geeriyoodeen 57 qof dadkaasoo 18 kamid ahi carruur ahaayeen.

Shilalka gaadiidka ayaa ku badan dalka Pakistan, waxaana sida ay baahisey hay'adda tirakoobyada u qaabilsan dalkaasi sanad walba shilalka gaadiidka ku geeriyooda dad ay celcelis ahaan tiradoodu gaareyso 4,500.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM