Pakistan oo Iran Digniin Adag u Dirtay Xilli Xuutiyiintu Weerarro Ka Wadaan Sacuudiga
Islamabad — Pakistan ayaa Iran gaarsiisay digniin ka timid Sacuudi Carabiya oo ku saabsan in la joojiyo ama la yareeyo weerarrada Xuutiyiinta Yemen, xilli xiisadda gobolka ay sii xoogeysaneyso. Sida ay Reuters kasoo xigatay ilo ka kala tirsan Pakistan, Sacuudiga iyo Iran, dadaalka Islamabad ayaa looga gol leeyahay in laga hortago in dagaalku isu beddelo khilaaf goboleed ballaaran.
Digniinta ayaa timid kaddib markii Xuutiyiintu ay weerarro waaweyn ku qaadeen gudaha Sacuudiga, kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay kaabayaal militari iyo kuwo shidaal, isla markaana dhaawacay tobannaan qof. Sacuudiga ayaa dhankiisa qaaday tallaabooyin militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta gudaha Yemen.
Pakistan ayaa rajaynaysa in suurtagalnimada dhaqan-gelinta heshiiska difaaca wadajirka ah ee Mecca, oo ay wada saxiixdeen Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga, ay Iran ku qanciso inay cadaadis saarto Xuutiyiinta si ay u joojiyaan weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga.
Heshiiska ayaa dhigayaa in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo arki karo weerar lagu qaaday dhammaantood. Wasiirka Difaaca Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in haddii colaadda Yemen ay ku faafto dhulka Sacuudiga, heshiiska difaaca wadajirka ah la dhaqan-gelin karo.
Dhinaca kale, Iran waxay si rasmi ah u sheegtay inaysan maamulin Xuutiyiinta. Si kastaba, ilo laga soo xigtay Iran ayaa Reuters u sheegay in Tehran ay dhawaan Xuutiyiinta ku dhiirrigelisay weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga, isla markaana ay ballanqaadday taageero dhaqaale iyo hub.
Pakistan ayaa hadda xoogga saaraysa xal diblomaasiyadeed, iyadoo doonaysa in xaaladdu aysan gaarin heer Sacuudigu ka codsado Islamabad inay si toos ah uga qeybqaadato difaaca dalka. Xiisadda ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaallada gobolka ay sii fidayaan, taasoo cabsi ka abuurtay in colaadda Yemen ay isu beddesho dagaal ballaaran oo saameeya amniga iyo dhaqaalaha Bariga Dhexe.
GAROWE ONLINE