Pakistan oo ka dalbatay Shiinaha Diyaaradaha Dagaal ee J-35 kadib dagaalkii India 

Image

Pakistan ayaa bilowday dadaal cusub oo ay ku doonayso inay ka hesho Shiinaha diyaarado dagaal oo casri ah oo ah nooca J-35, kuwaas oo leh awood qarsoon oo ah fulinta weerarro fog fog – waana arrin u muuqata mid dhalin karta isbeddel weyn oo ku yimaada awoodaha cirka ee Pakistan oo dagaal kala dhaxeeya Hindiya.

Diyaaradaha J-35 oo lagu sifeeyo kuwa jiilka shanaad ah, ayaa la sheegaa inay si fudud uga dhuuman karaan raadaarada cadowga, isla markaana xambaarsan karaan gantaallo halis badan. Haddii Pakistan ay hesho diyaaradahaas, waxay heli doontaa awood ay si toos ah u beegsan karto bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Hindiya.

Arrintan ayaa timid kadib markii bishii la soo dhaafay ay labada dal ee Pakistan iyo Hindiya galeen dagaalkii cirka ee ugu weynaa muddo tobanaan sano ah, kaasoo socday afar maalin. Wuxuu ka dhashay dilka 26 dalxiise oo Kashmiir lagu dilay, kuwaasoo Hindiya u dhashay.

Wasaaradda difaaca ee Pakistan ayaa si cad u sheegtay in ay ka helayso Shiinaha 40 diyaaradood oo J-35 ah, diyaaradaha digniinta hawada (KJ-500) iyo nidaamyada difaaca gantaallada. Tani waxay muujinaysaa iskaashi militari oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Islamabad iyo Beijing.

Khuburo dhanka difaaca ah ayaa sheegaya in haddii Pakistan si sax ah u adeegsato diyaaradahaas, ay heli karto faa’iido la taaban karo oo dhanka cirka ah, islamarkaana ay Hindiya ku khasbi karto inay dib u eegto qorshaheeda difaaca.

“Inkastoo aysan weli jirin heshiis rasmi ah, haddana waxay u muuqataa in Shiinuhu diyaar u yahay inuu si toos ah u taageero Pakistan, iyadoo aan la sugin in Hindiya hesho diyaarado la mid ah,” ayuu yiri khabiir dhanka diyaaradaha dagaalka ah.

Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkii cirka ee dhawaan dhacay ay ku soo ridday dhowr diyaaradood oo Hindiya leedahay, oo ay ku jiraan Rafale oo ah diyaarado casri ah oo ay Hindiya kasoo iibsatay Faransiiska. Warar madaxbannaan ayaa xaqiijinaya in khasaare ka dhacay dhinaca Hindiya.

Markii ay Pakistan bilowday isticmaalka diyaaradaha J-10C oo ay Shiinaha kasoo iibsatay 2022, waxay heshay gantaallo cusub oo PL-15 ah oo lagu tilmaamay kuwo fogaan dheer oo khatar badan leh. Wararka qaar waxay sheegayaan in gantaalladaas markii ugu horreysay la adeegsaday dagaalkii cirka ee u dambeeyay.

Saameynta

Haddii diyaaradaha J-35 lagu daro ciiddanka cirka ee Pakistan, waxay macnaheedu noqon kartaa in awoodda hawada ee labada dal ay isku dheelitirnaato, ama xataa ay Pakistan yeelato gacan sare marka laga eego dhanka farsamada.

Xilligan, Hindiya wali ma haysato diyaarado jiilka shanaad ah, waxaana la sheegaa inay qaadan karto in ka badan toban sano si ay u hesho. Tani waxay keeni kartaa in Pakistan ay muddo dhow hesho awood aan la iska indho tiri karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo weeraraysa Iran iyo Mareykanka oo diblomaasiyiintiisa kala baxaya Bariga Dhexe

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn u kiciso xiisadda Bariga Dhexe, waxaana laga digay inay sababto dagaalkii 3aad ee adduunka.

  • Caalamka

    12-06-2025

  • 05:11AM

Mareykanka: Dowladda Soomaaliya waxay ka laabatay Go'aankii Baasaboorka Taiwan 

Dowladda Soomaaliya wali si rasmi ah uma xaqiijin hadalka diblomaasiga Mareykanka ee ka noqoshadda xayiraadda baasaboorka Taiwan.

  • Caalamka

    11-06-2025

  • 12:18PM