Pakistan oo lagu eedeeyay inay taageerto Taliban

Image

KABUL - Dowladda Afghanistan ayaa waxa ay waddanka Pakistan ku eedaysay inay gacansiisay maleeshiyaadka ugu yaraan 95-ta qof ku dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kabul.

Waxa ay sheegaysaa in weerrarkii Sabtida ay ka dambeysay shabakadda Xaqaani ee xiriirka la leh uruka Taalibaan Pakistanna ay baritaarto.

Mas'uuliyiinta Afghanistan ayaa waxa dhacay waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa dambi ka dhan ah aadanaha.

Xukuumadda Islamabaad ayaa markasta waxa ay iska fogaysaa inay taageerto maleeshiyaadka Afghanistaan ka dagaalama.

Qaraxaan ayaa sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 95 qof, waxaana ku dhaawacmay 158.

Gaari nooca ambalaasta ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo loo adeegsaday weerarka, ayaa ku qarxay bar koontarool oo ay dadku ku badnaayeen kadib markii halkaasi lagu joojiyay gaariga.

Barta koontarool oo ahayd goob aad amaankeeda loo adkeeyay ayaa la sheegayaa inay ku yaallaan xarumaha dowalda Afganistan iyo safaarado shisheeye.

Waxaa la rumeysan yahay in bartilmaameedku ahaa dhismaha wasaarada arrimaha gudaha balse dad badan oo halkaasi marayay ayuu qaraxu qabsaday.

Kooxda Daliban oo sheegatay masuuliyada weerarkan ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in weerarkani noqonayo kii ugu dhimashada badnaa ee bilahan ay geystaan.

Dowladda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarkan dadka badan lagu laayay, waxa uuna madaxweyne Trump ku baaqay in tallaabo adag laga qaado Taliban.

Weerarkan ismiidaaminta ah oo dadka badan ay ku dhinteen ayaa imaanaya kadib toddobaad markii Daliban ay weerareen hotel ku yaala caasimada Kabul oo in ka badan 20 qof ay ku dhinteen.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM