Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Image

Islamabad – Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarado dagaal oo ay leedahay Hindiya, kaddib markii ay sheegtay in diyaaradahaasi duqeyn ka geysteen gudaha dhulkeeda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Pakistan ayaa ku tilmaamay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka, wuxuuna ku hanjabay in Pakistan ay si buuxda uga jawaabi doonto weerarradaasi.

Warbaahinta dowladda Pakistan ayaa soo xigatay saraakiil ciidan oo sheegay in mid kamid ah diyaaradaha la soo riday, halka diyaaradii kale ay ku laabatay gudaha Hindiya.

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay, iyadoo dhowr kale ku dhaawacmeen duqeyntii ka dhacay Pakistan, inkastoo khasaaraha dhabta ah aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

Labadan quwadood ee ku hubeysan hubka nukliyeerka ah ayaa horay ugu dagaallamay gobolka Kashmir, oo ah is-mariwaa siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM