Kagame oo ku guuleystay Doorashada

Image

Taageerayaasha Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa bilaabay inay dabaaldegaan kaddib markii lagu dhawaaqay inuu mar saddexaad si weyn ugu guulaystay inuu xilka sii hayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii uu Mr Kagame ku guulaystay boqolkiiba 98 cododkii la dhiibtay, taas oo ay kula tartamayeen laba qof oo aanan sidaa loo aqoon.

Kagame oo 56 sano jir ah, ayaa xilka hayay 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Taageerayaashuna waxa ay ku amaaneen in dalka uu ku soo dabaalay xasilooni, dhaqaalahana uu horumariyay kaddib xasuuqii 1994-kii.

Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda oo intooda badan ku nool dalka dibaddiisa ayaa waxa ay ku eedaynayaan inuu dalka ku xukumo cabsigelin iyo caburin uu ku hayo dadka isaga ka soo horjeedo.

Garowe Online + BBC

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM