Pentagon-ka oo shaaciyay kharashka dagaalka Iran

Image

Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa shaacisay in qiyaastii $25 bilyan lagu bixiyay hawlgalka milatari ee loo yaqaan Operation Epic Fury, sida uu sheegay ku-simaha xisaabiyaha guud ee Pentagon-ka, Jules Hurst III.

Hurst ayaa hadalkan ka jeediyay dhageysi ay qabatay Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, halkaas oo uu ka soo hor muuqday isaga oo ay weheliyaan Wasiirka Difaaca Pete Hegseth iyo taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Dan Caine.

“Qiyaastii ilaa maanta, waxaan ku bixinay ku dhowaad $25 bilyan hawlgalka Epic Fury,” ayuu Hurst u sheegay xubinta sare ee Dimuqraaddiga ee guddiga, Adam Smith.

Wuxuu intaas ku daray in kharashaadka ugu badan ay ku baxeen hubka iyo rasaasta (munitions), iyo sidoo kale hawlaha militari, dayactirka iyo beddelka qalabka.

Intii uu socday dhageysiga, Smith ayaa xusay in Pentagon-ku uusan si joogto ah ugu warbixin Congress-ka kharashaadka dagaalka tan iyo markii uu billowday, isaga oo weydiiyay haddii Wasaaradda Difaacu qorsheyneyso inay dalbato miisaaniyad dheeri ah.

Hurst ayaa ku jawaabay in qorshe lagu diyaarinayo codsi miisaaniyadeed oo dheeri ah oo loo marsiin doono Aqalka Cad, kaasoo marka la dhameystiro loo gudbin doono Congress-ka si loo daboolo kharashaadka sii kordhaya ee dagaalka.

Dhanka kale, xildhibaan Maggie Goodlander ayaa si kulul u dhaliishay jawaabaha, iyadoo sheegtay in ay tahay wax laga xumaado in 60 maalmood gudahood aan weli si cad loo kala faahfaahin kharashaadka lagu bixiyay dagaalka Iran.

“Waxaan joognaa 60 maalmood dagaal aad doorateen oo ka socda Iran, mana bixin kartaan faahfaahin aasaasi ah oo ku saabsan sida loo isticmaalay lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka?” ayay tiri Goodlander, iyadoo la hadleysay Hegseth.

Hurst ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu sharci-dejiyeyaasha siin doono faahfaahin buuxda oo ku saabsan sida loo isticmaalay $25 bilyan, isagoo sheegay in lacagtaasi ay ka tarjumeyso hubka la isticmaalay iyo kharashaadka kale ee howlgalka.

Goodlander ayaa sidoo kale weydiisay in lacagtaas laga jaray miisaaniyado hore loo qoondeeyay, taasoo sii kordhisay walaaca ku saabsan sida loo maareeyay dhaqaalaha dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM