Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Image

MOSCOW – Cunaqabateynno cusub oo ay Maraykanku saareen Ruushka ayaa adkaynaya dadaallada lagu doonayo in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, sida uu sheegay Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, wareysi Axaddii laga sii daayay telefishinka Russia-1.

“Dabcan, tallaabooyinkii la qaaday toddobaadkan waxay ahaayeen kuwo aan saaxiibtinimo ahayn. Runtii waxay dhaawaceen rajadii ahayd in dib loo soo nooleeyo xiriirka Ruushka iyo Maraykanka, balse taasi micnaheedu ma aha inaan ka quusanno dadaalladaas,” ayuu yiri Peskov oo la hadlay weriyaha Pavel Zarubin.

Peskov ayaa intaas ku daray in Ruushku weli xiiseynayo dhisidda xiriir wanaagsan oo uu la yeesho dhammaan dalalka caalamka, oo ay ku jirto Maraykanka.

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump u muujiyay sidii xal loogu heli lahaa colaadda Ukraine, balse uu carabka ku adkeeyay in “aysan suuragal ahayn in dhibaatadaas lagu dhameeyo hal habeen gudaheed.”

Arbacaadii, Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu beegsanayo shirkadaha shidaalka ee ugu waaweyn Ruushka – Rosneft iyo Lukoil – isaga oo ku baaqay “in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.” Wuxuu sidoo kale sheegay in Aqalka Cad uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyin dheeraad ah haddii loo baahdo.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine bishii Febraayo 2022, soo rogay cunaqabateynno dhowr ah oo dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga ah, kuwaas oo si gaar ah u saameeyay bangiyada Ruushka, warshadaha difaaca iyo dhoofinta tamarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM