Putin oo doonaya in dagaalyahannada Bariga Dhexe ay ku biiraan dagaalka Ukraine

Image

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa fasaxay in dadka mutadawaciinta ah ee ka imaanaya Bariga Dhexe ay ku biiraan ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Bariga Ukraine.

"Haddii aad aragtaan dad si iskood ah raba, oo aan lacag doon ahayn, inay caawiyaan dadka ku nool Donbas, waa in aan u oggolaanno waxa ay rabaan, waana inaan ku caawinno si ay u tagaan furimaha dagaalka," ayuu Putin ka yidhi shirka Golaha Amniga ee Ruushka.

Wasiirka Gaashaandhigga, Sergei Shoigu, ayaa madaxweynaha u sheegay in ay jiraan muradawaciin tiradoodu gaadheyso 16,000 oo ka soo jeeda Bariga Dhexe, kuwaasoo diyaar u ah in ay tagaan Donbas.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamada dowladda Suuriga ee dagaalka la qabsaday laga yaabo in lacag lagu siiyo si ay Ruushka garab ugu siiyaan dagaalka Ukraine.

Ciidamada cirka ee Ruushka iyo cutubyo khaas ah oo ka socda dalkaas ayaa door weyn ka ciyaaray caawinta madaxweynaha Ruushka, Bashaar al-Asad.

Goor sii horreysay, dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ay diyaarineyso ciidamo is xilqaamay oo dibadda uga yimid si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah militeriga Ruushka.

BBC

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM