Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Image

Muqdisho, Agoosto 12, 2025 – Warbaahinta ay dowladda Ruushka maamusho ayaa ku warramaysa in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu maanta taleefan kula hadlay hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, si ay uga wadahadlaan arrimo dhowr ah oo muhiim ah.

Wadahadallada labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay inay diiradda saareen kulanka la filayo inuu 15-ka bishan Agoosto ka dhaco gobolka Alaska, kaas oo dhex mari doona Madaxweyne Putin iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Kulankaas ayaa looga hadlayaa xabad-joojinta dagaalka Ukraine, kaas oo weli si ba’an uga socda bariga Yurub.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Kim Jong Un uu muujiyay taageeradiisa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, isagoo bogaadiyay in la qabto kulammo toos ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Mareykanka.

Warbixinta kama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobbada kale ee ay labada hoggaamiye ka wadahadleen, hase yeeshee kulanka Alaska ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xiriirka sii murmaya ee u dhexeeya Moscow iyo Washington.

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya, iyadoo si isa soo taraysa loo hadal hayo iskaashi milatari iyo mid istiraatiijiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM