Putin oo La Kulmay Hogaamiyeyaasha Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traoré ayaa laga qaadey bastoolad u xirnayd xili uu la kulmayay Putin, iyadoo arintan loo sameeyay sababo amni, maadaama Madaxweynaha Ruushka uu leeyahay cadow badan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Sabtidii martigeliyay wada hadallo labada geesood ah oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha maamulka Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso. Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas, Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa iyo Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa gaaray Moscow si ay uga qayb galaan xuska sannad-guuradii 80-aad ee guuldaradii Jarmalka Nazi ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Kulankan ayaa qayb ka ah xuska weyn ee loogu dabaaldegayo guushii ciidamada xulafada ee ka adkaaday Jarmalka Nazi sanadkii 1945. Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee caalamka iyo wakiillo sare oo ka socda dalal badan.

Intii uu kulan la yeeshay madaxda Falastiin, Putin ayaa soo jeediyay in la is dhaafsado aragtiyo ku saabsan waxa Ruushka uu dheeraad ah u sameyn karo si loo yareeyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe. Khilaafka Israa'iil iyo Falastiin ayaa ahaa mid ka mid ah arrimaha ugu weyn ee laga wada hadlay, iyadoo Ruushku uu ku dadaalayay inuu kaalin dheeraad ah ka qaato nabadeynta gobolka.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ee Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska, Jarmalka iyo Poland ay ku hanjabeen inay cadaadis ku saari doonaan Putin haddii uu diido in uu aqbalo heshiis xabbad-joojin aan shuruud lahayn oo 30 maalmood ah oo ay soo jeediyeen Sabtidii, iyadoo ay taageerayaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Heshiiska xabbad-joojinta ee Ukraine ayaa la doonayaa in uu joojiyo dagaalka ka soconaya bariga Ukraine tan iyo Febraayo 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM