Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Image

Moscow — Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in haddii ciidamo reer galbeed lagu geeyo dalka Ukraine, Ruushka uu si toos ah u bartilmaameedsan doono ciidamadaas.

Putin ayaa arrintan ka sheegay madal dhaqaale oo ka dhacday bariga fog ee Ruushka, isaga oo xusay in isku dayga lagu darayo Ukraine ee ururka NATO uu yahay sababta ugu weyn ee colaadda.

“Ciidamada reer galbeedka haddii lagu geeyo Ukraine, gaar ahaan xilliga ay dagaalladu socdaan, waxaan u arki doonaa inay yihiin bartilmaameedyo sharci ah oo la burburin karo,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine, oo ay ku jiraan suurtagalnimada joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta, haddii la gaaro heshiis joojin dagaal.

Si kastaba ha ahaatee, Putin ayaa intaa ku daray in haddii heshiis nabadeed la gaaro, aysan jirin baahi loo qabo joogitaanka ciidamo shisheeye oo dalka Ukraine, isaga oo ballanqaaday in Ruushku si buuxda u fulin doono heshiisyadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM