Pyongyang oo aan wali ka hadlin kulanka Trump iyo Kim Jong-un

Image

Pyongyang - Kuuriyada Koonfureed ayaan wali ka hadlin kulan la qorsheynayo in ay yeeshaan hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa aqbalay in uu ka qayb qaato kulankaasi balse ilaa haatan wax war ah lagama haya dhinaca Kuuriyada Woqooyi.

Aqbalaadda Trump kaddib waxaa soconayay xiriir diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyay Kuuriyada Woqooyiga iyo dhiggeeda Koonfureed.

Warbaahinta Kuuriyaa Woqooyi wali ma aysan baahin warka ku saabsan kulankan la qorsheynayo in uu dhex maro Trump iyo Kim Jong-un.

Xukuumadda Seoul ayaa rumeysan in dhiggeeda Pyongyang ay taxaddar ku wajaheyso arrintani.

Dhanka kale, ergay ka socda Kuuriyada Koonfureed ayaa saraakiisha Shiinaha kala hadlay suurtagalnimada kulankaasi, waxa uuna berry oo talaada ah u ambabaxayaa dalka Ruushka.

Sarkaal kale oo ka socda isla Kuuriyada Koonfureed ayaa loo diray dalka Japan si uu madaxda dalkaasi ugala hadlo suurtagalnimada kulanka la qorsheynayo in ay yeeshaan Trump iyo madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM