Qadar oo cabasho u gudbisay ururka Ganacsiga Caalamka

Image

Dowladda Qadar ayaa dacwad ka dhan ah xayiraadaha dhaqaale ee waddamada Khaliijka Carabta ay ku soo rogeen bishii June u gudbisay ururka ganacsiga caalamka ee WTO.

Is-bahaysiga uu ku jiro Sucuudigu ayaa xiriirka u gooyay Qadar kadib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto ururada argagixisada Caalamka, waxaana la galiyay go'doona dhan walba ah.

Arrintaas ayaa keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalah dalkaas oo kamid ahaa waddamada ugu hodansan Khaliijka.

Wasiirka dhaqaalaha iyo arrimaha ganacsiga ee Qadar, Sheekh Axmed bin Jasim ayaa sheegay in xayiraaddaasi dhanka ganacsiga ah ee ay Sucuudigu hormuudka ka tahay ay yihiin kuwo xadgudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee Beec-mushtarka.

Wuxuu sheegay inaysan suuro gal ahayn in dhaqaalah Qadar go'doon la galiyo isagoo codsaday insi deg deg ah wax looga qabto tallaabadaas oo uu tilmaamay inay tahay mid aan loo dul qaadan karin.

Waddamada Carabta ee xayiraadahan ku soo rogay Qadar ayaa waxay haatan haystaan 60 maalmood oo ay tahay in ay ku xalliyaan cabashada Qadar.

Dowladahani Carabta ayaan wali ka jawaabin cabashada rasmiga ah ee Qadar, balse waxay horey ururkani ganacsiga caalamka ee WTO ugu sheegeen in arrimaha amniga waddamadooda ay qiil uga dhigayaan xayiraadahaasi ka dhanka ah dalka Qadar.

GAROWEONLINE+BBC

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM