Ra'iisul Wasaaraha Canada oo xilka iska-casiley kadib cadaadis la saarey

Image

HAMILTON - Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka hogaamiyaha xisbiga Liberal-ka.

"Waxaa iska casilayaa xilka hogaamiyaha xisbiga iyo ra'iisul wasaaraha, si xisbigu usoo xusho hogaamiyahooda xiga si adag, dalka oo dhan ah, hannaan tartan," ayuu yiri Trudeau mar uu shir jaraa'id ku qabtay Rideau Cottage ee Ottawa.

Isaga oo sheegay in uu "si qoto dheer" u daneynayo Canada iyo muwaadiniinteeda, Trudeau wuxuu yiri: "Mar walba waxaa igu dhiirigelin doona inuu u shaqeeyo waxa danta Canada ku jirto."

Kahor iscasilaadiisa, Trudeau wuxuu sheegay inuu la kulmay barasaabka Canada General Mary Simon oo uu ka codsaday inuusan baarlamaanka shaqeynin ilaa 24-ka Maarso.

Iscasilaada Trudeau ayaa timid iyada oo ay sii kordhayso loolanka ka dhex jirta xisbigiisa, taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo in uu ku guulaysan karo doorashada soo socota ee uu kaga soo horjeedo mucaaridka.

Trudeau ayaa lagu eedeeyay inuu ka aamuso xasuuqa Israel ee Gaza iyo inuu wajihi waayay Trump markii uu ku dhawaaqay inuu canshuuro kusoo rogayo badeecooyinka xadka Canada looga soo geliyay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM