Ra’iisul Wasaaraha India oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iran

Image

NEW DELHI — Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, iyadoo ay ka wada hadleen xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Bariga Dhexe.

Modi ayaa sheegay inuu muujiyay “walaac qoto dheer” oo ku saabsan kororka xiisadaha iyo khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka ah, sida lagu sheegay farriin uu ku daabacay barta X (Twitter).

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sidoo kale ku celiyay in dalkiisu ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo ku booriyay in xalinta khilaafaadka lagu wajaho wada hadal iyo diblomaasiyad.

Modi ayaa sheegay in mudnaantiisa koowaad ay tahay badbaadada iyo amniga muwaadiniinta Hindiya, iyo sidoo kale in si aan carqalad lahayn ay u sii socoto gaadiidka badeecadaha iyo tamarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku joojinayo kaalmada milatari ee Israa'iil

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in joojinta kaalmadu aysan ka dhignayn in xiriirka milatari ee labada dal dhammaanayo.

  • Caalamka

    03-11-2026

  • 08:52PM

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM