Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk oo Wajahayaa Codka Kalsoonida kadib Guuldarro Doorasho 

Image

WARSAW, Poland – Juun 11, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa Arbacada maanta ah wajahaya codka kalsoonida ee baarlamaanka, maalmo un kadib guuldarro uu la kulmay musharaxiisa doorashadii madaxtinimada ee dhawaan dhacday.

Codka kalsoonida oo uu isagu dalbaday, ayaa kusoo beegmaya iyadoo musharraxa midigta xagjirka ah Karol Nawrocki, oo ay taageeraysay xisbiga mucaaradka ee Law and Justice (PiS), uu si dhuun ah uga badiyey musharaxa xisbiga Tusk, Rafal Trzaskowski. Nawrocki ayaa sidoo kale helay taageerada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tusk ayaa ku dhawaaqay in codka kalsoonidu noqon doono “furitaan cusub,” isagoo sheegay in xisbigiisu uu diyaar u yahay caqabadda, uuna fahamsan yahay khatarta taagan.

“Ma dooneyno inaan hal tallaabo dib u noqono,” ayuu yiri Tusk.

Ujeeddada Tusk ee codka kalsoonida ayaa ah inuu mideeyo taageerada uu u hayo isku-xirkiisa siyaasadeed ee Yurubta taageera, xilli dowladdiisu ay wajahayo cadaadis ku saabsan guuldarrooyinka isbeddelada sharci ee muhiimka ah.

Xukuumadda Tusk ayaa doonaysay inay ka noqoto dib-u-habayntii garsoorka ee ay sameysay xukuumaddii hore ee PiS, kuwaas oo Midowga Yurub uu ku tilmaamay inay daciifinayaan dimuqraadiyadda iyo xuquuqda haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay.

Si kastaba, dadaalladaasi waxaa hor istaagay madaxweynihii xilka ka tagay Andrzej Duda, waxaana la filayaa in Nawrocki uu sii wado siyaasadahaas ad-adag.

Tusk, oo xafiiska yimid bishii Diseembar 2023, ayaa lagu eedeeyay in dowladdiisu aysan wax isbeddel muuqda ah ka hirgelin dalka, inkasta oo ay haystaan aqlabiyadda baarlamaanka. Waxyaabaha lagu dhaleeceynayo waxaa kamid ah ku guuldareysiga wax ka beddelka sharciyada la xiriira xaquuqda dumarka, gaar ahaan xuquuqda xagga uurka (abortion rights).

Tusk ayaa hadda doonaya in codkan kalsoonida uu xoojiyo xukuumaddiisa, balse mucaaradka iyo taageerayaasha PiS ayaa isha ku haya in Tusk uu ku guuldareysto hirgelinta isbeddelada uu ballanqaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM