Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga oo ka digtay qorshaha Trump ee Gaza

Image
Image
Image
Image
Image

Riyadh — Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Isniintii sheegtay in aysan rumeysneyn in Donald Trump uu leeyahay “qorshe qeexan” oo lagu rarayo dadka Falastiiniyiinta ah ee Gaza, hase yeeshee ay soo dhaweysay doodda ku saabsan dib-u-dhiska dhulkaas.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidii sheegay inuu doonayo in Urdun iyo Masar ay qaataan dadka Gaza, isagoo soo jeediyay in “si buuxda loo nadiifiyo halkaas” – fikrad ay si degdeg ah uga soo horjeesteen hoggaamiyayaasha Falastiiniyiinta, Jaamacadda Carabta, Urdun, iyo Masar.

Meloni, oo ka qeybgashay caleema-saarkii Trump isla markaana rajeyneysa inay isku xirto maamulka Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa arrinta ku tilmaantay "mid adag."

“Trump wuu saxan yahay marka uu leeyahay in dib-u-dhiska Gaza uu si cad uga mid yahay caqabadaha waaweyn ee aan wajahayno, hase yeeshee, si guul loo gaaro, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamku ay si weyn uga qeybqaadato,” ayay tiri intii lagu jiray booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya.

“Marka laga hadlayo arrinta qaxootiga, waxaan u maleynayaa, mar kale, inaanan la tacaaleynin qorshe qeexan. Waxaan aaminsanahay in aan wajaheyno dood ku saabsan la-tashiyo lala sameynayo dhinacyada gobolka, kuwaasoo shaki la'aan ay tahay in la xoojiyo ka qeyb qaadashadooda,” ayay tiri.

Dadka Gaza oo gaaraya 2.4 milyan ayaa intooda badan lagu barakiciyay dhowr jeer dagaalka ka socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo bilowday kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023.

Trump ayaa sheegay in dhulka dagaalka uu saameeyey uu noqday “goob burbur” isagoo intaa ku daray in “qarniyo badan ay halkaas ka dhacayeen dagaallo badan. Ma aqaan, waa in wax uun la sameeyo.”

Waxa uu sheegay in raritaanka dadka Gaza uu noqon karo mid “ku-meel-gaar ah ama mid joogto ah.”

Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.

Meloni ayaa ka digtay “saameynta ballaaran” ee qaxootiga Suuriya ee dalalka gobolka qaarkood, taasi oo ay sheegtay “in aanay caawinayn xasilloonida.”

“Kuwani waa arrimo runtii aad u adag, laakiin xaqiiqda ah in laga doodayo, xitaa heer aan rasmi ahayn, iyada oo lala tashanayo dhinacyada gobolka, waxay ila tahay inay muujineyso in arrinta dib-u-dhiska Gaza si dhab ah looga shaqeynayo,” ayay tiri.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa hadalladan jeedisay intii ay ku sugneyd booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya, halkaas oo labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo warshado oo qiimahoodu gaarayo qiyaastii $10 bilyan.

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM