Ra’iisul Wasaaraha UK oo ka gaabsaday sharciyadda weerarka Mareykanka ee Venezuela

Image

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo in tallaabada milatari ee Mareykanku ka fuliyay Venezuela ay jebisay sharciga caalamiga ah iyo in kale.

Wareysi uu siiyay barnaamijka BBC ee Sunday with Laura Kuenssberg, Sir Keir ma uusan cambaareyn weerarrada Mareykanka, balse wuxuu sheegay inuu sugayo in la helo dhammaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee dhacdada, isaga oo xusay inuu yahay qof si joogto ah u difaaca sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu horay u sheegay in Boqortooyada Ingiriisku aysan wax door ah ku lahayn weerarradii ballaarnaa ee Sabtidii ka dhacay Venezuela, isla markaana uusan weli kala hadlin Madaxweyne Donald Trump howlgalkaas, kaas oo sababay in la qabto Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.

Goordambe oo isla Sabtidii ah, Sir Keir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in dowladda Ingiriisku u aragto Maduro inuu yahay madaxweyne aan sharci ahayn, isla markaana aysan murugo ka qabin dhammaadka xukunkiisa. Wuxuu intaas ku daray in London ay la tashan doonto Mareykanka maalmaha soo socda, si loo gaaro isbeddel nabdoon oo horseeda dowlad sharci ah oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Venezuela.

Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay inay la shaqaynayso safaaradda UK ee Caracas si loo hubiyo badqabka ku dhowaad 500 muwaadin oo Ingiriis ah oo ku sugan Venezuela. Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalkaas, halka kuwa ku sugan gudaha lagu wargeliyay inay guryahooda joogaan ama diyaar u ahaadaan inay qorshahooda si degdeg ah u beddelaan.

Wareysiga BBC, Sir Keir waxaa si gaar ah loogu cadaadiyay su’aasha ah in sharciga caalamiga ah la tixgeliyay iyo in kale. Wuxuu sheegay in xaaladdu tahay mid si xawli ah isu beddeleysa, isla markaana aan weli la haynin sawirka dhammeystiran, taas oo ka hor istaageysa in go’aan kama dambeys ah la qaato.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Mar-a-Lago ku sheegay in Mareykanku si ku-meel-gaar ah u maamuli doono Venezuela ilaa laga gaarayo isbeddel ammaan ah oo nidaamsan. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalka lagu qabtay Maduro ay ka qeyb qaateen ciidamo gaar ah oo Mareykan ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dambiyo la xiriira daroogo iyo hub.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid siyaasiyiinta Ingiriiska, kuwaas oo qaarkood ku baaqay in si degdeg ah loo cambaareeyo tallaabada Mareykanka, halka kuwo kalena ay ku adkaysteen in marka hore la helo dhammaan xaqiiqooyinka, isla markaana arrinta loo daayo maxkamadaha caalamiga ah.

Midowga Yurub ayaa isna sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda Venezuela, isaga oo ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeerarka.

GAROWE ONLINE- 

Related Articles