Ra’isal Wasaarihii Spain oo xilka laga qaaday

Image

Barlamanka waddanka Spain ayaa kalsoonidii kala noqday Ra’isal Wasaarihii dalkaas Mariano Rajoy kaasoo muddooyinkii dambe lagu eedeynayay musuqmaasuq iyo wax isdabamarin.

180 kamid ah golaha shacabka dalkaas ayaa ka codeeyay Rojoy, halka 169 mudane u codeeyeen Ra’isal Wasaaraha kalsoonida laga qaaday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, codayn dhacday maanta oo Jimce ah.

Barlamanka dalka Spain ayaa Ra’isal Wasaare u doortay Pedro Sanchez kaasoo sheegay inuu xilka sii hayn doono inta laga gaarayo Doorasho waddankaas ee la qorsheeyay 2020-ka.

Tallaabadan ayaa timid xilli waddanka Spain ay muddooyinkii dambe ka taagnayd xiisadda siyaasadeed taasoo cirka isku shareertay markii Gobolka Catalan uu ku dhawaaqay gooni isu taag.

Mariano, ayaa cadaadis badan sameeyay si gobolkaas uga mid ahaado dalka Spain. 

Waa dalkii 2aad oo kamid ah waddamada Midowga Yurub kuwaasoo faraha la gala qalalaaso siyaasadeed, waxaana xasarad tan lamid ah horay uga taagnayd waddanka Talyaaniga kaasoo ilaa hadda aan la dhisin xukuumadda wixii ka dambeeyay doorashadii dhacday bishii March.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM