Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Image

DOHA - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo sheegay in Qatar tahay waddanka kaliya ee awood u leh inuu dhexdhexaadiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Rubio ayaa sheegay in wakhti aad u kooban uu ka haray si loo gaaro xabbad joojin rasmi ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uu rabo in Qatar ay sii waddo doorkeeda nabadeed, inkastoo toddobaadkii hore Israa’iil ay weerar ku qaaday hoggaamiyeyaal Xamaas ah oo la sheegay inay joogeen gudaha Qatar.

Booqashada Rubio ayaa imaneysa iyadoo Israa’iil ay billowday wajiga cusub ee weerarkeeda dhulka ah ee Gaza, gaar ahaan magaalada Gaza City, taasoo sababtay dhimashada dad rayid ah iyo burbur xooggan.

Shalay, hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa shir degdeg ah ku yeeshay Doha, halkaas oo ay ku muujiyeen taageeradooda shacabka Falastiin iyo cambaareeyeen weerarada Israa’iil. Sidoo kale, dalalka Khaliijka ayaa ballan qaaday inay dhaqan-gelin doonaan heshiis difaac oo wadajir ah.

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM