Ruushka oo Faragelin xooggan ku haya Siyaasadda Mareykanka

Image

WASHINGTON - Madaxda hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar.

Madaxda hay'adaha kala duwan ee sirdoonka ayaa hadalkan sheegay mar ay warbixin siinayeen guddiga aqalka Senate-ka u qaabilsan arimaha sirdoonka oo sannadkiiba mar ka arinsada halista soo waajihi karta Maraykanka.

Agaasimaha hay'adda sirdoonka qaranka, Dan Coats, ayaa sheegay in ujeedada Moscow tahay inay wiiqdo kalsoonida shacabka dalkaasi ku qabaan dimuqraadiyadda Mareykanka.

Bartamihii sanadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa u sheegtay aqalka Congress-ka in ay hayso cadaymo muujinaya in burcadda internetka Ruushka ay bartilmaameedsadeen nidaamka doorashada Maraykanka ee 21-ka gobol ee doorashadii madaxtinimada ay ka dhacday sannadkii la soo dhaafay.

Jeanette Manfra oo madax ka ah waaxda ammaanka ee internetka ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay hufnaanta doorashada Maraykanka laakiin waxay qirtay in waxdeeda aysan tijaabo ku samayn qalabka codaynta.

Hay'adda dambi baarista gudaha Maraykanka ee FBI-da ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynaysa isku-deygii Ruushka uu ku sameeyay inuu farageliyo doorashada iyo xiriirka ka dhaxeeyay Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo iyo guddiga ololaha Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM