Ruuxaani oo dib loo doortay

Image

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaasi, sida uu sheegay telefishinka qaranka waddankaasi.

Ayadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay doorashada oo ahaa 40 milyan oo cod, ayaa Ruuxaani waxa uu helay boqolkiiba 56, sidaana waxa uu uga badbaaday wareeg kale.

Ibraahim Raisi oo ah ninka la tartamayay Ruuxaani ayaa sheegay in taageerayaasha madaxweynaha ay falal sharciga ka baxsan ka geysteen goobaha cosbixinta.

Waqtiga codbixinta ayaa shalay muddo 5 saac ah lagu kordhiyay, oo waxa ay goobaha doorashada xirmeen saqdii dhexe ee xalay, ka dib markii ay dad badan usoo baxeen in ay codkooda dhiibtaan.

Ruuxaani oo 68 jir ah, ayaa ballanqaaday in uu Iiraan ku hogaaminayo aragti dhexdhexaad ah, waxaana uu guushiisa ku xiray ka mira dhalinta heshiiska nukliyeerka ee uu dalkiisa la galay dalalka caalamka ugu taagta roon.

BBC


Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM