RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Image

Islamabad – Raysal Wasaaraha Pakistan, Maxamed Shehbaz Sharif, ayaa ku dhawaaqay guul taariikhi ah inay ka gaareen dagaalka India kadib markii la shaaciyay heshiis xabbad-joojin ah oo Trump iyo Madax kale kasoo shaqeeyeen.

Shehbaz Sharif oo khudbad u jeediyay shacabkiisa ayaa sheegay in Ciidamada Pakistan ay burburiyeen saldhigyada militeriga India, sidoo kalena ay soo rideen diyaaradaha Rafeal-ka oo India kasoo iibsatay Faransiiska.

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

Shehbaz Sharif ayaa sheegay in heshiiska cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday nabadda gobolka, gaar ahaan xuduudda Kashmir ee lagu muransan yahay. Wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ay weli ka go’an tahay xasilooni iyo wada-hadal nabadeed oo lala yeesho Hindiya.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta India ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay dhowr jeer ku xadgudbeen xabbad-joojintii, iyagoo tilmaamay weerarro laga geystay dhanka xuduudda oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Heshiiska xabbad-joojinta ayaa yimid xilli xiisadihii u dhexeeyay labada waddan ay kor u sii kacayeen, waxaana beesha caalamka ay ku baaqday in labada dal ay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falal keeni kara dagaal cusub.

Dagaalka labadan dal ee hubka Nuclear-ka haysta ayaa ka billowday dilka 26 dalxiise oo India u dhashay kuwaasoo koox hubeysan ku toogatay gobolka Kashmiir bishii hore.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha.

  • Caalamka

    06-10-2025

  • 11:42AM

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM