Rwanda oo Xiriirka u Jartay Belgium

Image

KIGALI - Rwanda ayaa Isniintii go'aansatay inay jarto xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Belgium, iyadoo dhammaan diblomaasiyiinta Belgium laga saaray dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa lagu sheegay in Belgium ay "si joogto ah u hoos u dhigeysay" Kigali "xilligii ay socotay xiisadda dagaal ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo."

Belgium ayaa talaabadan ku tilmaantay "mid aan miisaan lahayn," iyadoo ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta Rwanda ee ku sugan dalkaas inay ka baxaan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa lagu yiri, "Dowladda Rwanda waxay maanta u sheegtay Dowladda Belgium go'aankeeda ah in la jaro xiriirka diblomaasiyadeed, kaasoo dhaqan-gal ah isla markiiba."

"Belgium si cad ayey uga heshay dhinac dagaalka gobolka waxayna si joogto ah u abaabushay si ay uga hortagto Rwanda ee fooramada kala duwan, iyadoo adeegsaneysa been abuur iyo khiyaano si ay u heshato ra'yi khilaafsan oo aan cadaalad ahayn oo ku saabsan Rwanda, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo xasilloonida Rwanda iyo guud ahaan gobolka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Belgium ayaa si degdeg ah ugu dhaleeceysay talaabadan, iyada oo ku tilmaamtay "mid aan miisaan lahayn" isla markaana ay saartay dhammaan diblomaasiyiinta Rwanda ee dalka Belgium.

"Belgium waxay ka xuntahay go'aanka Rwanda ee ku aaddan goynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ku dhawaaqista in diblomaasiyiinta Belgium ay noqdeen 'persona non grata'," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Belgium, Maxime Prevot, oo qoraal ka soo dhigay baraha bulshada ee X.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM