Sacad Xariiri oo dib u dhigay Iscasilaadiisii gilgishay Lubnaan

Image

Beirut - Ra'iisul Wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay Maanta oo Arbaco ah inuu dib u dhigay Iscasilaadiisa, isagoo ka jawaabaya Codsiga Madaxweyne Michel Aoun.

Xiriiri ayaa aqbalay codsiga Madaxweynaha, oo ah inuu siiyo fursad wadatashiyo looga sameeyo go'aankiisa ah inuu faarujiyo xafiiska Ra'iisul wasaaraha dalkaasi.

Iscasilaadda Xiriiri ayuu ku dhawaaqay 4-tii bishan November isagoo ku sugan dalka Sacuudiga, taasi oo gilgishay Lubnaan, iyadoo lagu micneeyay inay ahayd mid lagu qasbay.

Sacad Xariire ayaa ku sheegay sababta uu isku-casilay inuu u baqay naftiisa oo khatar ugu jirta dalka Iran, oo saameyn xooggan ku leh Siyaasadda dalkiisa Lubnaan.

Xariire ayaa ku laabtay dalkiisa shalay, waxaana uu ka qeybgalay Maalinta Xuriyadda Lubnaan, kahor inta uusan Madaxtoyada kula kulmin Madaxweynaha, oo uu u gudbiyay Warqada Iscasilaadiisa, taaso oo laga diiday.

Wuxuu kasoo laabtay booqashooyin uu ku tagay Faransiiska iyo Masar, isagoo markii hore ka tagey Sacuudiga oo ah halka uu uga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Ra'iisul Wasaaraha.

Sacad Xiriire oo ka dagay Beirut kadib mudo dalkaasi uu ka maqnaa

Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa sheegayxilli hore inuusan aqbali doonin Iscasilaadda Sacad, ilaa uu dalka dib ugu soo laabanayo.

Sacuudiga iyo Iran ayaa ku loomaya Siyaasadda dalka Lubnaan, oo shacabkiisa ay haystaan dhibaatooyin badan oo dhaqaale, shaqo la'aan iyo hogaan xumo isagu jirta.

Rafiiq Al Xariir, oo ah aabaha dhalay Sacad ayaa lagu dilay qarax shirqool ahaa oo ka dhacay Lubanaan 14 February 2005, sanad kadib markii uu xilka ka dagay, isagoo dalkaasi Ra'iisul Wasaare kasoo ahaa 2000 ilaa 2004.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM