Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Image

LONDON - Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa si kulul uga jawaabay hadallo weerar ah oo kaga yimid madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, isagoo sheegay inuu “si lacag la’aan ah uga deggen yahay maskaxda Trump,” kadib markii Trump uu markale weerar afka ah ku qaaday Khan, mar uu khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sir Sadiq Khan oo la hadlayay ITV News London ayaa yiri: “Dadku waxay is weydiinayaan maxaa Donald Trump igu mashquuliyay, anigoo ah duq magaalo Muslim ah oo hoggaamiya magaalo furan, dhaqaale ahaan guulaysatay, kuna caan ah is-dhexgalka bulshooyinka kala duwan. Waxaan u muuqdaa inaan si lacag la’aan ah uga deggenahay maskaxda Donald Trump.”

Khan ayaa si kaftan ah u sii raaciyay: “Waqtiga aan ku qaatay maskaxda Trump, waxaan u maleynayaa inaan helay xuquuqda dadka xoog ku degga guryaha (squatters’ rights). Waxaan rajeynayaa inuusan iiga soo dirin biil intaan halkaas deggenaa!”

Hadalladan ayaa imaanaya kadib markii Trump uu khudbadiisa Qaramada Midoobay ku sheegay in London ay “dooneyso inay u dhaqaaqdo shareecada Islaamka,” isaga oo sidoo kale sheegay in Yurub “la weeraray” oo ay “muhaajiriin sharci-darro ah” buux dhaafiyeen.

Trump, oo horay u dhaleeceeyay Sadiq Khan marar badan intii uu xilka hayay, ayaa markan ku tilmaamay Khan inuu yahay “duq magaalo aad u xun – aad u xun.”

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London. Waa magaalada ugu wanaagsan caalamka – waxaana u maleynayaa in sababtaas ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha keena in dad badan oo Mareykan ah ay u soo hijroodaan London.”

Markii la weydiiyay haddii uu Trump u arko inuu yahay mid Islaam naceyb qaba, Khan wuxuu ku jawaabay: “Haddii qofku u dhaqmo si gaar ah, hadallo gaar ah yiraahdo, muuqaallo cadna muujiyo – markaas waa inaad rumeysataa waxa uu yahay.”

Weerarka Trump iyo kaftanka Sadiq Khan ayaa markale dib u soo celiyay xiisaddii afka ahayd ee u dhaxeysay labada mas’uul, taasoo muddo sanado ah si joogto ah u soo laabanaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM