Salman Khan oo dembi culus lagu helay, wajahayana Xabsi

Image

INDIA - Xiddiga caanka ah ee aflaanta Hindida jila Salman Khan ayaa lagu helay dembi ah in uu ugaarsaday nooc ka mid ah deerada oo aad u tiro yar xilli uu filim jilayey 1998dii.

Salman Khan ayaa dilay mid ka mid ah xayawaankan sida aadka ah loo ilaaliyo mar uu filim ku jilaayey Waqooyiga gobolka Rajasthan.

Afar ka tirsan jilayaashii filimkaas ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi iyadoo markii dambana maxkamad ku talla magaalada Jodhpur ay cafis u fidisay.

Salman Khan ayaa laga yaaba in uu wajaho xukun xabsi ah oo noqon kara hal ilaa lix sano, balse jilaagan ayaa haysta fursad ah in uu racfaan ka qaato xukunkan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002dii lagu eedeeyay in uu horay gaari mariyey nin hoy la'an ah oo meel bannaan jiifay iyadoo arrintaa la soo gabagabeeyey bishii disembark 2015kii.

Tani waxay noqonaysaa markii afaraad ee lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaadhsiga xayawaanadka isagoo markii uu jilayey filimka Hum Saath Saath 1998dii afar mar laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM