Salman Khan oo dembi culus lagu helay, wajahayana Xabsi

Image

INDIA - Xiddiga caanka ah ee aflaanta Hindida jila Salman Khan ayaa lagu helay dembi ah in uu ugaarsaday nooc ka mid ah deerada oo aad u tiro yar xilli uu filim jilayey 1998dii.

Salman Khan ayaa dilay mid ka mid ah xayawaankan sida aadka ah loo ilaaliyo mar uu filim ku jilaayey Waqooyiga gobolka Rajasthan.

Afar ka tirsan jilayaashii filimkaas ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi iyadoo markii dambana maxkamad ku talla magaalada Jodhpur ay cafis u fidisay.

Salman Khan ayaa laga yaaba in uu wajaho xukun xabsi ah oo noqon kara hal ilaa lix sano, balse jilaagan ayaa haysta fursad ah in uu racfaan ka qaato xukunkan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002dii lagu eedeeyay in uu horay gaari mariyey nin hoy la'an ah oo meel bannaan jiifay iyadoo arrintaa la soo gabagabeeyey bishii disembark 2015kii.

Tani waxay noqonaysaa markii afaraad ee lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaadhsiga xayawaanadka isagoo markii uu jilayey filimka Hum Saath Saath 1998dii afar mar laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM