Salwan Momika oo ahaa Ninkii gubay Kitaabka Quraanka oo lagu dilay Sweden 

Image

SWEDEN - Salwan Momika, oo 38 sano jir ka yimid Ciraaq, ayaa lagu dilay guri uu ku noolaa magaaladda Södertälje ee dalka Sweden, sida ay warbaahinta dowladda dalkaas ay sheegtay Khamiistii Maanta ah.

“Ninka ayaa laga helay meydkiisa guri ku yaal Hovsjo, Södertälje, galabtii Arbacada … Waa Salwan Momika, oo u dhintay dhaawacyo rasaas lagu toogtay,” ayaa lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta SVT.

Baaritaan ayaa socda, waxaana weli ay booliiska xaqiijin dhimashadiisa. Afhayeen u hadlay booliiska Stockholm, Daniel Wikdahl, ayaa sheegay in hal qof oo lala xiriirinayo dilkaasi la xiray si loo weydiiyo su’aalo dheeraad ah.

Salwan Momika ayaa caanka ku noqday inuu laba jeer gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka, markii ugu horeysay isaga oo muujinaya nacaybka uu u hayo Islaamka.

Wuxuu ku gubey kitaabka bannaanka masjid ku yaal Stockholm iyo safaaradda Ciraaq ee Stockholm. Sweden ayaa oggolaansho siisay labada jeer uu gubey Kitaabka, iyadoo sheegtay inay ka mid yihiin xorriyadda hadalka.

Arintaan ayaa dhalisay carada Muslimiinta, iyadoo banaanbaxyo looga soo horjeedo ay ka dhaceen Ciraaq iyo dalal kale oo Muslimiin ah. Dibadbaxyo ayaa ka dhacay safaaradda Sweden ee magaalada Baqdaad, Ciraaq 2023, waxaana dowladda Ciraaq ay ku dhawaaqday in ay iskaga eriday safiirkii Sweden.

Salwan Momika oo Kirishtaan Iraq ka yimid ahaa, ayaa la sheegay in la dilay isagoo Live ka ah Tiktok, waxaana la ogeyn illaa hadda cida dishay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM