Sanduuqa Madow ee diyaaradii Air Asia oo la helay

Image

January 12, 2015 (GO)- Kooxihii ku howlanaa baadigoobka diyaarad shirkadda Air Asia lahayd oo labo todobaad kahor ku dhacday badda Java ayaa sheegay inay heleen qalabka duuba xogta duulimaad ee diyaaradaha ee loo yaqaan Sanduuqa Madow.

Diyaaradda oo 162 qof la socdeen nooceeduna ahaa Airbus A320-200 waxay soo dhacday December 28, 2014 wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Surabaya ee dalka Indonesia iyadoo ku sii jeedey wadanka Singapore. 

Bambang Soelistyo oo ah madaxa kooxaha baadigoobka wadey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la helay Sanduuqa Madow kaasoo lagu rajo weyn yahay in laga ogaado xog badan oo ku saabsan sababta keentay in diyaaraddaasi burburto.

Intii lagu guda jirey sanadkii hore ee 2014, saddex shil oo  ku dhowaad 700 oo qof ku geeriyoodeen ayaa soo wajahay shirkadda Air Asia oo laga leeyahay dalka Indonesia. 

March 8, 2014 waxaa burburtay diyaarad shirkaddaasi lahayd oo 239 qof la socdeen taasoo ka duushay Kuala Lumpur  kuna sii jeedey Beijing, sidoo kale bishii July 2014 diyraad kale oo Air Aisa  leedahay ayaa lagu soo ridey bariga dalka Ukrine oo xilligaas dagaalo ka socdeen, 289 qof ayaana shilkaas ku geeriyoodey.

Air Asia oo bixisa tikidho qiimahoodu jaban yahay, waxay kamid tahay shirkadaha duulimaadka ee ugu waaweyn guud ahaan dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM