Saudi Arabia oo Taageertay Dadaallada Trump ee Lagu Joojinayo dagaalka Ukraine 

Image

Riyaadh – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Sabtidii muujisay taageero buuxda oo ay u hayso dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in si nabad ah lagu xalliyo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, iyadoo xustay muhiimadda nabad waarta oo labada dal ka dhaxaysa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Sacuudigu soo dhoweynayo shirkii dhowaan ka dhacay gobolka Alaska, kaas oo dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Boqortooyada waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda joogtada ah ee wadahadallada diblomaasiyadeed, kuwaas oo ah habka ugu habboon ee lagu xalliyo khilaafaadka iyo murannada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sacuudigu wuxuu horey u muujiyay in uu ka go’an yahay doorkiisa dhexdhexaadinta iyo kor u qaadidda xasiloonida caalamka, gaar ahaan marka ay timaado colaadaha saameynta ballaaran ku yeeshay amniga iyo dhaqaalaha dunida.

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM