Senator Cory Booker oo Taariikh Cusub Dhigay Khudbad Dheer oo uu ku Dhaleeceeyay Trump

Image

Washington — Senator Cory Booker oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Talaadadii dhigay taariikh cusub kadib markii uu jeediyay khudbaddii ugu dheereyd ee abid laga jeediyo Aqalka Senate-ka Mareykanka, taasoo socotay 25 saac iyo 5 daqiiqo. Khudbaddan oo bilaabatay Isniintii 7-da fiidnimo (Eastern Time) ayaa lagu dhaleeceeyay Madaxweyne Donald Trump iyo la-taliyihiisa Elon Musk oo lagu eedeeyay inay si aan masuuliyad lahayn u weerarayaan hay’adaha dimoqraadiga ee dalka.

Senator Booker, oo 55 jir ah kana soo jeeda gobolka New Jersey, ayaa si gaar ah u cambaareeyay qorshayaasha maamulka Trump ee lagu dhimayo waaxyaha dowladda federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu sheegay in hay’adaha dowladda si “mas’uuliyad darro ah” loo weerarayo, taasoo khatar ku ah dimoqraadiyadda dalka.

Khudbaddan ayaa jebisay rikoodhkii hore ee Senator Strom Thurmond oo sanadkii 1957 khudbad socotay 24 saac iyo 18 daqiiqo ku diiday sharciyadii xuquuqda madaniga ah. Si kastaba ha ahaatee, khudbadda Booker ma ahayn filibuster rasmi ah oo lagu hor istaagayo sharci gaar ah.

Intii lagu guda jiray khudbaddiisa, Booker wuxuu xusay halgamaagii xuquuqda madaniga ah John Lewis, isagoo ugu baaqay shacabka inay sameeyaan “dhibaato wanaagsan” oo ay ka dhiidhiyaan ficillada maamulka Trump.

Maamulka Trump ayaa iska diiday eedeymaha Booker. Afhayeenka Aqalka Cad Harrison Fields ayaa sheegay in Booker uu raadinayo “waqti kale oo ‘I am Spartacus’”, isagoo tixraacaya dhacdo hore oo Booker uu isku dayay inuu hor istaago magacaabista Garsoore Brett Kavanaugh.

Khudbadda Senator Booker ayaa soo jiidatay dareenka qaranka, iyadoo dad badan ay u arkeen inay tahay calaamad muujinaysa sida uu uga go’an yahay difaaca hay’adaha dimoqraadiga ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM