Senator John McCain oo geeriyooday [Maxaa lagu xasuusta]

Image

WASHINGTON - Senator John McCain, oo katirsan Senate-ka Mareykanka ayaa geeriyoodey isagoo 81 jir ah, kadib mudo uu la xanuunsaaa cudurka Cancer-ka oo kaga dhacay Maskaxda [Brain Cancer].

John McCain, oo laga soo doortey gobolka Arizona, ayaa mudo 30 sano ah kasoo mid ahaa Senate-ka dalka Mareykanka, waxaana uu sanadkii 2008 u tartamay xilka Madaxweynaha.

Xafiiskiisa ayaa xaqiijiyay inuu Senator-ka ka huleelay dunida xalay oo sabti ahayd.

Bishii July ee 2017, ayay dhaqaatiirta John McCain shaaca ka qaadeen in Senetor-ka laga helay xanuunka dilaagga ah ee Cancer-ka, kaasoo ugu dambeyn u geeriyoodey.

Wuxuu kamid ahaa John McCain Ciidamadii Mareykanka ee kasoo dagaalamay dalka Vietnam, isagoo noqday maxbuus dagaal oo mudo 5 sano, oo uu kusoo qaatey Vietnam.

Cindy McCain, oo ah marwada usoo dhaxday John McCain ayaa Twitter-ka kusoo qortay in ay ka naxdey geerida seygeeda oo 38 sano soo wada jireen.

McCain oo kamid ahaa xisbiga haya talada Mareykanka ee Jamhuuriga, ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa geesi dagaalkii Vietnam 1955-1975 iyo inuu ahaa siyaasi si weyn u taageera Israel.

Wuxuu kasoo horjeeday Iran, waxa uu taageeray duulaankii Mareykanka ee Iraq 2003, isagoo si kulul ugu cambaareeyay Obama inuu ka gaabiyay inuu farageliyo maamulkiisa dagaalka dalka Syria.

Madaxweyne Trump, ninkii isaga xilka uga horeeyay ee Barack Obama iyo mas'uuliyiin kale oo Mareykanka ah ayaa ka tacsiyadeeyay geerida McCain. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM