Shacabka Turkiga u dareeraya Afti dadweyne

Image

ANKARA, Turkey- Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeraya afti dadweyne oo ku aadan inay u codeeyaan isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaas, si awood loo siiyo Madaxweynaha.

Dadka reer Turkey ayaa laga doonayaa inay u codeeyaan Haa, taasoo ogolaanaysa in Madaxweynaha uu noqdo qofka maamulka gacanta ku haya islamarkaana laga guuro nidaamka Jamhuuriga oo loo gudbo Madaxtooyo.

Madaxweynaha Dalka Edogan ayaa isagoo la hadlaya taageerayaashiisa wuxuu ka codsaday inay isbadalka u codeeyaan, si looga hortago dhibaatooyinka kusoo wajahan dalkaas.

“Walaalyaal aftidan ma ahan afti caadi ah, waa waqti muhiim ah, waxaanu sameyneynaa isbadal aad muhiim u ah. Calankeena cidna ma wasakheyn karto," Sidaas waxaa yiri madaxweyne Erdogan.

Tallaabadan waxaa kasoo horjeeda Mucaaradka dalkaas oo ka digaya in awooda gacanta loo galiyo shakhsi kaliya, waxayna dhigeen bannaanbaxyo ay arrintaas ugasoo horjeedaan.

Hadii shacabka Turkigu u codeeyaan HAA, waxay noqonaysaa in la bur-buriyo jagada Ra’isal wasaaraha oo badalkeeda la sameeyo Madaxweyne ku-xigeen.

Qorshaha uu wado Erdogan waxaa aad u diiday dalalka reer Galbeedka oo ku doodaya inaan la afduubin rabitaanka shacabka.

Balse Madaxweynuhu Wuxuu  ku dooday  inaan wax isbedel ah lagu samayn doonin dhidibada ay ku taagan tahay jamhuuriyaddii turkiga ee uu asaasay Mustafa Kemal Ataturk 1923dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM