​Shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo lagu weeraray Liibiya

Image

Kolonyo gawaari ah oo uu leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa lagu weerarray meel u dhaw magaalo xeebeedka Surman, ayadoo muddo kooban la haystay 7 shaqaalaha ah oo gawaarida la socday.

Shaqaalaha ayaa isugu jiray afar ajaanib ah iyo saddex Liibiyaan ah, waxaana ay qeyb ka ahaayeen koox ka tirsan xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay kuwaasoo booqanayay muhaajiriin lagu hayo xabsiyo ku yaal magaaladaasi.

Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa markii dambe shaqaalaha Qaramada Midoobay ku wareejisay boolis maxalli ah oo deegaankaasi ka shaqeeya.

Dableyda shaqaalaha qafaalatay ayaan wax shuruud ah ku xirin sii deyntooda, waxaana la filayaa in howlwadeennadaasi Qaramada Midoobay dib loogu celiyo caasimadda Tripoli.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa loo arkaa mid muujinaya amni darrada ay Liibiya ku wajahayaan hay'adaha caalamiga ah ee doonaya in ay ka shaqeeyaan dalkaasi.

Inta badan safaaradaha shisheeye iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa isaga baxay Liibiya sanadkii 2014, xilligaasi oo uu dagaal culus Tripoli ku dhex maray maleeshiyaad uu loolan ka dhexeeyo.

BBC

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM