Shiikh dhaliili jirey xag-jirnimada oo Kenya lagu diley

Image

November 5, 2014 (GO)- Wadaad Kenyan ah oo si weyn u dhaliili jirey afkaarta xag-jirnimada ee Ururka Al-shabaab ayaa lagu diley magaalada xeebta ah ee Mombasa.

Wadaadkaas oo lagu magacaabi jirey Saalim Bakari waxaa la toogtey gelinkii dambe ee shalay (Talaado) xilli uu kasoo baxayey masjika Bilaal.

Taliyaha booliska Momabasa Robert Kitur ayaa sheegay in sheekha ay toogteen labo nin oo watey mooto (dhug-dhugley) kuwaasoo durbadiiba goobtaka baxsaday.

" labo nin oo mooto watey ayaa joojiyey mootada, xabad ayey wadaadka ku dhufteen kadibna way baxsadeen" Robert Kitur ayaa yiri isagoo intaas raaciyey " boolisku wuxuu bilaabay hawlgal lagu raad goobayo kuwii dilka geystey.

Ma ahan markii ugu horeysey ee wadaad muslim ah magaalada Mombasa lagu dilo, haseyeeshee dilka Saalim Bakari ayaa afar ka dhigaya tirada wadaadada la diley laga soo bilaabo sanadkii 2012.

Horay waxaa sidan oo kale loogu toogtey saddex shiikh oo lagu kala magacaabi jirey Aboud Rogo Mohammed (2012), Ibrahim Ismail (2013) iyo Abubaker Shariff Ahmed (2014).
.
Laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo ciidamada Kenya usoo talaabeen dhanka Soomaaliya si ay ula dagalamaan Al-shabaab, waxaa magaalada Mombasa iyo deegaano kale oo Kenya ka tirsan ka dhacayey weeraro isugu jirey dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Qaar kamid ah mas'uuliyadda weeraradaas waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab. Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa ahaa kii biishii September ee sanadkii hore 2013 lagu qaaday rugta ganacsiga Westgate Mall. Ku dhowaad 70 qof oo rayid u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM