Shiinaha oo xukun dil ah ku fuliyay 4 Muwaadin oo u dhashay Canada

Image

Ottawa, Canada – Shiinaha ayaa xukun dil ah ku fuliyay afar muwaadin oo u dhashay Canada, oo lagu eedeeyay dambiyo la xiriira daroogo, iyadoo dowladda Canada ay marar badan dalbatay in loo naxariisto, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Canada, Melanie Joly, ayaa sheegtay in ay “si xooggan u cambaareyneyso” dilalkan, waxaana ay cadeysay in iyada iyo Ra’iisul wasaarihii hore, Justin Trudeau, ay codsadeen in loo bedelo xabsi kiiskooda.

Afhayeenka Arrimaha Caalamiga ee Canada, Charlotte MacLeod, ayaa sidoo kale sheegtay in Ottawa ay sii wadi doonto bixinta taageero qunsuliyadeed oo qoysaska siinayso, isla markaana ay "si adag uga soo horjeeddo isticmaalka xukunka dilka kiiskasta, meel kasta."

Inkastoo dilalka muwaadiniinta reer galbeedka ee Shiinaha ay yihiin kuwo aan sidaas u badnayn, afarta muwaadiniin ee Canadian ah waxay sidoo kale ahaayeen muwaadiniin asalkooda u dhashay Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha ee Ottawa ayaa sheegtay in afarta muwaadiniin ay heleen maxkamad cadaalad ah iyo geedi socod sharci ah oo ku saleysan “si buuxda sharciga.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM