Shimbir la tuhunsan in ay sababtay shil diyaarad ay ku dhinteen 167 qof

Image
Warar kale waxay tibaaxayaan in cimilada oo xumeyd ay sababta ku lugta lahayd.

MUQDISHO - Ugu yaraan 167 qof ayaa ku geeriyootay shil diyaaradeed xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

Laba qof oo badbaaday ayaa laga soo saaray burburkii waxaana loo qaaday isbitaalka halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo waqti -xaadirkan.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 – oo ay maamulaysay shirkadda diyaaradaha ee Jeju Air – ayaa waxaa saarnaa 181 rakaab ah, waxayna ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Muan iyadoo ka soo duushay magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

Qoysaska dhibanayaasha ayaa ku xoomaya agagaarka iyo gudaha garoonka diyaaradaha iyadoo saraakiisha ay wadaan baaritaanada burburka diyaaradda

Muuqaalo la soo duubay ayaa u muuqda in ay muujinayaan diyaarada oo ka soo baxaysa dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan oo gidaar ku dhacaysa, ka hor intii ayna dabka qabsan

Ma jirto sabab la xaqiijiyay oo keentay burburka - balse dabdamiska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in shimbir ay ku dhacdey iyo cimilada xun ay sabab u tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM