Shir Jaamacadda Carab ka yeelan lahayd Gaza oo dib loo dhigay

Image

Qaahira — Shir degdeg ah oo ay Jaamacadda Carabtu qorsheysay in ay kaga wadahadasho xaaladda Gaza, kaasoo markii hore la filayay inuu dhaco toddobaadka soo socda, ayaa dib loo dhigay ilaa 4-ta Maarso, sida ay Talaadadii shaacisay Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in taariikhda cusub lagu heshiiyay kadib wadatashiyo lala yeeshay xubnaha Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu saleeyay baahida loo qabo diyaar-garow dhanka farsamada iyo abaabulka ah si shirku u noqdo mid mira dhal ah.

Shirka ayaa la isugu yeeray kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu soo bandhigay qorshe muran dhaliyay oo lagu doonayo in maamulka Gaza lagu wareejiyo Mareykanka, isla markaana dadka Falastiiniyiinta ah ee halkaas ku nool loo raro dalal kale, oo ay ka mid yihiin Masar iyo Urdun.

Masar iyo Urdun ayaa diiday qorshahaas, waxayna sheegeen in ay doonayaan in dib loo dhiso Gaza, ayada oo dadkeeda ay halkaas ku sii nagaanayaan.

Dhanka kale, Khamiista soo socota, Sacuudi Carabiya ayaa martigelin doonta shir ay ka qeyb galayaan madaxda Masar, Urdun, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, si ay u soo bandhigaan qorshahooda dib-u-dhiska Gaza, iyagoo adkaynaya in Falastiiniyiintu ay ku nagaadaan dhulkooda.

Qorshaha Trump ee ku saabsan Gaza ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka timid dalalka Carabta, taasoo keentay midnimo aan caadi ahayn oo ay dalalkaasi kaga soo horjeestaan qorshahan.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM