Shirkadda Facebook oo raaligalin bixisay

Image

San Francisco - Mark Zuckerberg oo aasaasay Facebook ayaa qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ay "khalad samaysay" taasina ay horseeday in shirkad samaysa latalin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta shaqsiga ee macaamiisha Facebook.

Shirkadda Cambridge Analytica ayaa lagu eedeeyay in ay si aan munaasab ahayn u adeegsatay xogta macaamiishaas iyaga oo matalaya siyaasiyiin macaamiil u ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Zuckerberg ku sheegay "in meel ka dhac lagu sameeyay aaminaaddii".

Waraysi dambe oo uu siiyay shirkadda CNN ayuu ku sheegay "in uu ka xun yahay" wuxuuna ballanqaaday in uu tallaabo ka qaadi dooni "App-abka aan daacadda ahayn".

Wuxuu intaas ku daray in uu "ku faraxsan yahay" in uu Congress-ka ka horsheego waxa uu og yahay "haddii arrintaasi ay tahay mid sax ah".
Warka qoraalka ah ee uu soo dhigay Facebook wuxuu ku ballan qaaday in uuu sii adkayn doono siyaabaha ay App-abku ay ku arruursan karaan xogta macaamiisha Facebook.

Masuuliyad ayaa naga saran in aan xogta macaamiisha ilaalino, haddii aanaan sidaa samayn karinna uma qalanno in aan adeeg idin siino," ayuu yiri Zuckerberg.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM