Siyaasiga Anwar Ibraahim oo laga sii daayey xabsi ku yaal Malaysia

Image

Waxaa xabsiga laga sii daayey siyaasiga u dhashey dalka Malesia Anwar Ibraahim isagoo la filayo in xilka Ra’isal wasaraha wadankaas uu qabto.

Kuala Lumpur : Anwar Ibrahim, oo ahaa nin  muddo 20 sano ah u ololeynayey la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dimoqaraadiyada ayaa isagoo xor ah subaxnimadii Arbacada kasoo baxay xabsi ku yaal wadanka Malaysia.

Anwar oo kasoo baxay Isbitaal ku yaal magaalada Kuala Lumpur halkaasoo xaaladiisa caafimaad lagu eegayey inta uu sugayey in boqortooyada dalkaas cafis u fidiso ayaa afaafka hore ee dhismahaas ku salaamey taageerayashiisa.

Siyaasigan ayaa la kulmi doona boqortooyada dalkaas isaga iyo xaaskiisa Wan Azizah Ismail iyagoo waxayna goor dambe ee maanta hadal u jeedin doona tageerayashiisa.

Anwar Ibraahim oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegey saxaafada in dalkiisa uu marayo xaalad muhiim ah isagoo aan marna dhumin rajada uu qabo inta uu xabsiga ku jirey.

Waxaa la sugayaa in Anwar Ibraahim noqdo Ra’isal wasaraha dalkaas kadib markii heshiis dhexmarey Mohathir Mohamad.

“ Xilli dimoqaraadiyada aduunka hoos u socoto, waxaan filayaa dadka Malaysia ay rajo wanagsan siiyeen shucuubta caalamka.” ayuu yiri Anwar oo la hadlaya mid kamid ah saxaafada laga leeyahay dalka Australia.

Waxa uu digniin u direy shacabka Malaysia isagoo u sheegey iney adag tahay in xididada loo siibo musuqmaasuqa kasoo dalkaan ka jirey 61 sano ay dalkaan ka talinayey xisbiga Barisan Nasional hadda talada laga tuurey.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM