Siyaasiga Anwar Ibraahim oo laga sii daayey xabsi ku yaal Malaysia

Image

Waxaa xabsiga laga sii daayey siyaasiga u dhashey dalka Malesia Anwar Ibraahim isagoo la filayo in xilka Ra’isal wasaraha wadankaas uu qabto.

Kuala Lumpur : Anwar Ibrahim, oo ahaa nin  muddo 20 sano ah u ololeynayey la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dimoqaraadiyada ayaa isagoo xor ah subaxnimadii Arbacada kasoo baxay xabsi ku yaal wadanka Malaysia.

Anwar oo kasoo baxay Isbitaal ku yaal magaalada Kuala Lumpur halkaasoo xaaladiisa caafimaad lagu eegayey inta uu sugayey in boqortooyada dalkaas cafis u fidiso ayaa afaafka hore ee dhismahaas ku salaamey taageerayashiisa.

Siyaasigan ayaa la kulmi doona boqortooyada dalkaas isaga iyo xaaskiisa Wan Azizah Ismail iyagoo waxayna goor dambe ee maanta hadal u jeedin doona tageerayashiisa.

Anwar Ibraahim oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegey saxaafada in dalkiisa uu marayo xaalad muhiim ah isagoo aan marna dhumin rajada uu qabo inta uu xabsiga ku jirey.

Waxaa la sugayaa in Anwar Ibraahim noqdo Ra’isal wasaraha dalkaas kadib markii heshiis dhexmarey Mohathir Mohamad.

“ Xilli dimoqaraadiyada aduunka hoos u socoto, waxaan filayaa dadka Malaysia ay rajo wanagsan siiyeen shucuubta caalamka.” ayuu yiri Anwar oo la hadlaya mid kamid ah saxaafada laga leeyahay dalka Australia.

Waxa uu digniin u direy shacabka Malaysia isagoo u sheegey iney adag tahay in xididada loo siibo musuqmaasuqa kasoo dalkaan ka jirey 61 sano ay dalkaan ka talinayey xisbiga Barisan Nasional hadda talada laga tuurey.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM